RASMI: Todd Boehly iyo Clearlake Capital oo gacanta ku dhigay milkiyada Chelsea

0
350

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda reer England ee Chelsea ayaa ku dhawaaqday in labada shaqsi ee Todd Boehly iyo Clearlake Capital ay gacanta ku dhigeen milkiyada Blues kaddib markii uu Roman Abramovich ka iibiyay.

Roman Abramovich ayaa lagu qasbay inuu iibiyo kooxda kaddib dagaalkii Ukraine, maal qabeen ee Todd Boehly and Clearlake Capital ayaa ku guuleystay inay heshiis rasmi ah ka gaaraan soo iibsiga Chelsea.

Bogga rasmiga ah ee kooxda Chelsea ayaa lagu muujiyey sida ay uga go’an tahay milkiilayaasha cusub ee Blues kobaca iyo dhismaha kooxda muddada soo socota, sida horeyba u dhici jirtay.

Warku wuxuu intaa ku daray in Todd Boehly iyo Clearlake Capital ay si wadajir ah u maamuli doonaan kooxda, Boehly ayaana la wareegaya xilka guddoomiyaha iyo gacan ku heynta shirkadda.

Todd Boehly ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka rasmiga ah ee Chelsea wuxuu ku sheegay:

“Waxaa sharaf noo ah inaan noqono milkiilayaasha cusub ee kooxda Kubadda Cagta Chelsea.”

“Waxaan dooneynaa inaan ka dhigno taageereyaasheenna inay ku faanaan kooxdan, waxaana ka shaqeyn doonnaa sidii aan ugu horumarin lahayn kooxda xiddigo da’ayar ah, isla markaana aan u heli lahayn tayada ugu wanaagsan.”

“Qorshaheena waxqabadna waxa uu noqon doonaa in aan maal-gelin ku samayno kooxda mustaqbalka fog oo aan u dhisno taariikh guul leh oo ay Blues yeelato.”

“Waxaan jeclaan lahaa inaan shakhsi ahaan ugu mahadceliyo wasiirada iyo mas’uuliyiinta dowladda Ingiriiska, iyo Premier League-ga oo ka shaqeeyay sidii ay arrintan u dhici lahayd.”