RASMI: Real Madrid vs Man City & AC Milan vs Inter Milan – Isku-aadka Semi-finalka Champions League Iyo Waqtiga La Ciyaarayo

0
100

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isku-aadka semi-finalka Champions League ayaa si rasmi ah loo go’aamiyey afarta kooxood ee iskugu soo hadhay iyo sida ay iskugu beegan yihiin, waxaana afka iska galay naadiyo waaweyn oo ay ka dhaxayso colaad guun ah oo u dagaallami doona inay kala aargoostaan.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Real Madrid ayaa waxay semi-finalka la ciyaari doontaa Manchester City oo xilli ciyaareedkii hore ay waqtigan oo isku dhaceen, isla markaana ay Real Madrid guul soo laabasho ah ku gaadhay lugtii dambe ee ka dhacday Santiago Bernabeu.

AC Milan ayaa waxay iyaduna ku dhacday kooxda ay isku waddanka iyo magaalada yihiin ee Inter Milan oo ay wadaagaan garoonka San Siro, waxaana uu isku-dhacoodu dib usoo xasuusinayaa taageereyaasha sannadihii 2003 iyo 2005 oo ay iskugu yimaaddeen wareeggii siddeedda, waxaana labada jeerba ay guushu raacday AC Milan.

Isku-aadka semi-finalka

Real Madrid vs Manchester City

AC Milan vs Inter Milan
Waqtiga la ciyaarayo semi-finalka

Lugta hore: May 9/10, 2023

Lugta labaad: May 16/17, 2023

Waqtiga la ciyaarayo finalka

June 10, 2023

Goobta lagu ciyaarayo

Istanbul, Turkey.