Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexii labaad ee ugu qaalisanaa taariikhdeeda oo toddobaadyadii ugu dambeeyeyba la sugayay in ay shaaciso. Los Blancos ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay dhamaystirtay oo uu ciyaartoy ka tirsan kooxdeeda yahay xiddiga reer England ee Jude Bellingham.
Jude Bellingham ayaa sidoo kale noqonaya ciyaartoygii ugu qaalisanaa abid ee u dhashay Britain ama Ingiriiska, kaas oo sidoo kale noqonaya saxeexii labaad ee ay Real Madrid dhamaystirto xagaagan iyadoo uu ka horreeyey Fran Garcia oo difaaca bidix ah oo ay Real Madrid kala soo wareegtay Rayo Vallecano.
Jude Bellingham oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Birmingham City, aya waxa uu Real Madrid u saxeexay heshiis lix sannadood ah oo soconaya illaa 2029.
19 jirkan ayaa Borussia Dortmund oo sannadkii 2020 ku iibsatay 10 milyan oo Gini, waxa uu u saftay 132 ciyarood oo uu u dhaliyey 24 gool, waxaana uu sannadkii 2021 kula guuleystay German Cup, halka xilli-ciyaareedkanna ay maalintii ugu dambaysay lumiyeen horyaalka oo ay hoggaankiisa hayeen.