RASMI: Real Madrid Oo Shaacisay Lambarrada Ciyaartoydeeda Ee Xilli-ciyaareedka Dambe – Maxaa Loo Xidhay Saxeexyadii Cusbaa Ee Bellingham, Brahim & Fran Garcia?

0
76

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Fran Garcia ayaa xidhan doona lambarkii uu iska beddelay Vinicius Junior, sidoo kalena Brahim Diaz ayaa dhaxlaya Rodrygo Goes oo iska dhigay No.21, iyadoo Real Madrid ay shaacisay lambarrada ciyaartoydeeda ee xill-ciyaareedka dambe ee 2023/24.

Los Blancos ayaa dhamaystirtay saddex saxeex oo laba ka mid ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqday, isla markaana la sugayo Jude Bellingham oo toddobaadkan loo ballansan yahay, halka ay kooxdu sii macasalaamaysay afarta ciyaartoy ee Karim Benzema, Eden Hazard, Marco Asensio iyo Mariano Diaz.

Saddexda saxeex ee ay Real Madrid  dhamaystiray ayaa laba ka mid ah ay hore uga ciyaareen Santiago Bernabeu oo ay hore uga tirsanaayeen Real Madrid, balse siyaabo kala duwan ayay uga maqnaayeen.

Fran Garcia waxa uu saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ku maqnaa Rayo Vallecano oo ay Real Madrid dib uga soo iibsatay, halka Brahim Diaz uu kasoo noqday amaah laba sannadood socotay oo uu kusoo qaatay AC Milan, balse soo laabashadiisa waxa wehelinaya heshiis afar sannadood ah oo uu saxeexay toddobaadkan.

Real Madrid ayaa maanta shaacisay isbeddel ay ku samaysay lambarrada ciyaartoydeeda, balse waxa la sugayaa xiddigga labaad ee ugu qaalisan taariikhda kooxda ee Jude Bellingham oo dhamaystirka heshiiskiisa aan si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Vinicius Junior ayaa loosoo raray oo la wareegay No.7 oo uu banneeyey Eden Hazard, waxaana fuulaysa masuuliyad culus oo ah inuu dib usoo celiyo sumcaddii iyo qiimihii uu lambarkani lahaa oo ay hoos u dhigeen labadii ciyaartoy ee ugu dambeeyey ee Eden Hazard iyo Mariano Diaz oo ka dhaxlay Cristiano Ronaldo.

No.7 oo ay soo xidheen halyeeyadii kooxda, sida Raul Gonzalez, Cristiano Ronaldo, Butragueno iyo Juanito ayaa ah lambarka ugu qiimaha badan ee Real Madrid ee ay ku casuunto xiddigaheeda waaweyn.

Rodrygo Goes ayaa isaguna la wareegay lambarkii Marco Asensio ee No.11, balse waxa wali bannaan No.9 oo aanay Real Madrid shaacin ciyaartoyga xidhanaya, isla markaana ay raadinayaan weeraryahan cusub oo ay la sugayso.

Harry Kane ayaa ah ciyaartoyga ay Real Madrid sida weyn u doonayso ee ay la sugayso lambarka uu bixiyey Karim Benzema oo u wareegay naadiga Al-Ittihad ee horyaalka Sucuudiga.

Jude Bellingham oo ay Real Madrid 103 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Borussia Dortmund ayaan isagana lagu soo darin ciyaartoyda lambarradooda la shaaciyey, waxaase la sugayaa inta ay kooxdu si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto saxeexiisa.

Toddobaadka soo socda ayaa muhiim u noqon doona Real Madrid, waxaanay xaqiijin doontaa lambarka uu xidhan doono Jude Bellingham oo lambarkii uu usoo xidhay kooxihiisii hore ee No.22 uu haysto Antonio Rudiger.

Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa, in Los Blancos ay qorshaynayso inay iska dirto Jesus Vallejo oo lambarkiisa 5 ee uu xidho lagu wareejiyo Rudiger, si Bellingham uu cidlo ugu noqdo No.22.

Ciyaartoyda Real Madrid iyo lambarrada ay xidhanayaan

1. Thibaut Courtois

2. Dani Carvajal

3. Eder Militao

4. David Alaba

5. Jesus Vallejo

6. Nacho Fernandez

7.Vinicius Junior

8. Toni Kroos

9.

10. Luka Modric

11. Rodrygo Goes

12. Eduardo Camavinga

13. Andriy Lunin

14.

15. Fede Valverde

16. Alvaro Odriozola

17. Lucas Vazquez

18. Aurelien Tchouameni

19. Dani Ceballos

20. Fran Garcia

21.Brahim Diaz

22. Antonio Rudiger

23. Ferland Mendy

24.

25.

Jude Bellingham – Wali lama shaacn lambarkiisa.