RASMI: Real Madrid oo heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay goolhayaheeda Thibaut Courtois

0
184

Goolhayaha reer Belgium ayaa kooxda joogay tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay naadiga reer London ee Chelsea xagaagii 2018.

Wuxuu caddeeyay inuu yahay mid ka mid ah goolhayayaasha ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka, wuxuuna ka mid ahaa xiddigaha sida joogtada ah ugu ciyaarayay kooxda labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Bayaan ka soo baxay kooxda Real Madrid maanta oo Isniin ah ayaa lagu xaqiijiyay warka ku saabsan qandaraaska cusub ee Courtois, kaasoo ku sii hayn doona kooxda ilaa iyo uu ka gaaro da’ada 34 jirka.

“Real Madrid iyo Thibaut Courtois waxay ku heshiiyeen in qandaraaska ciyaaryahanka lagu kordhiyo shan xilli ciyaareed oo kale, kaasoo ku eg  ilaa 30 -ka  bisha June sanadka 2026,” ayuu u dhignaa warka ka soo baxay kooxda Los Blancos.

Image