Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Tottenham ayaa waxaa soo gaartay dhabar jab xoogan iyadoo horyaalka Premier League uu ku guuldareystay inay helaan booska shanaad ee Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Borussia Dortmund ayaa 1-0 ku garaacday PSG lugta hore ee semi-finalka Champions League, iyagoo horyaalka Bundesliga u xaqiijiyay boos dheeri ah oo Champions League ah.
Uefa ayaa go’aansatay in labo boos oo dheeri ah ay ku abaalmariso horyaalada ugu qiimeynta sareeya.
Italy ayaa hal boos qaadatay iyadoo shan koox ku lahaan doonta wareega 1aad, halka Jarmalka ay qaateen booska labaaad, iyagana shan koox ayaa ku matali doonta Champions League.
Madaama Bayern Munich ay garaacday Arsenal islamarkaana West Ham ay ka soo gaartay guuldarro Bayer Leverkusen bishii hore, Bundesliga ayaa qarka u saarnaa inay noqdaan horyaalka labaad ee ugu qiimeynta sameeya qiimeynta UEFA.
Rajadii horyaalka Premier League ay ka qabeen inay shan kooxood ku yeeshaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda ayaa si rasmi ah u dhimatay xalay.
Dortmund ayaana xaqiijisay in Bundesliga ay shan kooxood ku yeelato tartanka iyadoo Dortmund ay haatan kaalinta shanaad uga jirto horyaalka Bundesliga.
Dortmund iyo Bayer Munich ayaa isku arki kara finalka Champions League taasoo noqon doonta ku celiska finalkii 2013kii.
Dortmund waxay lugta labaad isbuuca danbe ku ciyaari doontaa garoonka Parc des Princess iyagoo guul 1-0 ka wata PSG. Dhanka Bayern Munich waxay booqanayaa Bernabeu ka dib markii ay barbaro 2-2 ah ku galeen Allainz Arena.