Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in horyaalka lagu soo kordhiyo isticmaalka aaladda cusub ee loo adeegsado offside-ka ee muuqaalka ‘dad-u-ekaha’, kaas oo markii u horreysay ay FIFA ku isticmaashay koobkii adduunka ee Qatar.
Shir maanta ay iskuguyimaaddeen saamiilayda Premier League ayaa si duuduub ah ay kooxuhu iskula qaateen in la isticmaalo aadda Semi-Automated Offside Technology oo yaraynaya qaladaadka dhinaca offside-ka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Premier League ayaa lagu sheegay in aaladdan la isticmaali doono xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana la diyaarin doono in garoomada lagu rikibo waqtiga xagaaga ee ay fasaxa yihiin ciyaaraha isla markaana aanu bilaabmin xilli-ciyaareedka dambe.
War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray, in qalabkan uu adeegsado sawirro iyo layman aad tayadoodu u sarrayso oo midabka ka qaadaya ciyaartoyda marka lagu eegayo offside-ka, isla markaana qofka ka dhigaya sida ‘sawir macmal ah’ ama dad u eke.
Celcelis ahaan VAR ayaa waxa ay go’aanka offside-ka ku gaadhi doontaa 31 ilbidhiqsi oo kaliya halka hadda ay waqtiyo intaas ka badan ku qaadato in VAR ay sheegto offside-ka.
Horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedka dambe oo la filayo inuu bilowdo badhtamaha bisha August, ayaa waxa uu qorshuhu yahay in qalabkan la isticmaalo horraanta bisha September, taas oo ka dhigan in dhawrka ciyaarood ee ugu horreeya aan la adeegsan doonin.
Sharraxaadda laga bixiyey baahida uu Premier League u qabo inuu qalabkan adeegsado ayaa waxa lagu soo qaatay gool uu Luis Diaz u dhaliyey Liverpool kulan ay la ciyaareen Tottenham bishii October ee sannadkii hore, kaas oo ay VAR sheegtay inuu offside yahay iyadoo markii dambe ay Premier League iyo xidhiidhka garsoorka ee PGMOL ay raalligelin ka bixiyeen iyagoo qiray in uu goolkaasi sax ahaa balse si qalad ah loo diiday