RASMI: Mauricio Pochettino Oo Soo Saaray Liiska 20ka Ciyaartoy Ee Maanta Uu Kala Hor Tegayo Liverpool

0
136

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea waxay maanta martigelin doonta aLiverpool oo kusoo booqanaysa Stamford Bridge, waxa uu tababare Mauricio Pochettino soo saaray liiska ciyaartoyda uu kala hortegayo Reds, taas oo uu sidoo kalena qorsheeyey in uu waranka kusii lilijiyo oo uu ka hor ciyaarta isla garoonka kusoo bandhigo saxeexa uu ku garaacay Liverpool ee Moises Caicedo.

20 ciyaartoy ayuu tababare Mauricio Pochettino soo saaray, waxaana ku jira ciyaartooyo aanad waligaa maqal oo da’yar ah, sida Lucas Bergstrom iyo Jamie Cumming oo kaydka u fadhiya goolhaye Sanchez, maadaama uu Kepa Arrizabalaga maanta u safrayo Spain oo uu kaga biirayo Real Madrid.

Difaaca ayaa waxa uu ugu yeedhay Ian Maatsen iyo Alfiie Gilchrist oo sidoo kalena uu wehelinayo laaacibka reer Brazil ee Malo Gusto.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulanka Liverpool

Goolhayeyaal: Robert Sanchez, Lucas Bergstrom, Jamie Cumming

Difaacyahanno: Malo Gusto, Reece James, Thiago Silva, Axel Disasi, Levi Colwill, Ben Chilwell, Marc Cucurella, Ian Maatsen, Alfie Gilchrist

Khadka Dhexe: Conor Gallagher, Enzo Fernandez, Andrey Santos, Lesley Ugochukwu, Carney Chukwuemeka

Weerarka: Raheem Sterling, Mykhailo Mudryk, Nicolas Jackson