RASMI: Manchester United oo shaqada ka cayrisay Macallin Ole Gunnar Solskjaer… (Yaa kooxda sii wadi doona kulammada soo socda?)

0
232

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaqada ka cayrisay tababaraheedii Ole Gunnar Solskjaer, kaddib natiijooyinkii liitay ee uu naadiga ku hoggaamiyey muddooyinkii ugu dambeeyey.

Bayaan ka soo baxay Manchester United ayaa lagu xaqiijiyey in shaqada laga cayriyey Macallin Ole Gunnar Solskjaer, isla markaana uu kooxda si ku meel gaar ah u sii wadi doono Michael Carrick.

“Manchester United waxa ay ku dhawaaqaysaa in Ole Gunnar Solskjaer uu ka tagay doorkiisii tababarennimo ee kooxda koowaad.

“Ole waxa uu weligiis sii ahaan doonaa halyey kooxda Manchester ah, waxaana ka xunnahay inaan gaarno go’aankan aadka u adag.

“Inkastoo todobaadyadii la soo dhaafay xaaladdu ay aad u xumayd, waxaana lagama maarmaan noqotay in la hakiyo dhammaan shaqooyinkii uu soo qabtay Solskjaer saddexdii sano ee la soo dhaafay, si dib loogu dhiso aas-aaska guusha mustaqbalka fog.”

“Michael Carrick ayaa haatan dhabarka u ridan doona masuuliyadda tababarennimo ee kooxda kulamada soo socda, halka ay kooxdu doonayso in ay u magacawdo tababare ku meel gaar ah oo gaarsiiya ilaa iyo dhammaadka xilli ciyaareedkan.” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda Manchester United.