Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa ku dhawaaqday maanta oo Isniin ah inay si rasmi ah ula soo wareegtay ciyaaryahanka reer England iyo kooxda Leeds United ee Kalvin Phillips.
Manchester City ayaa ku sheegtay website-keeda rasmiga ah in Kalvin Phillips uu heshiis 6 sano ah u saxiixay Sky Blues.
Kalvin Phillips ayaa kaddib markii uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Manchester City, wuxuu ka hadlay dareenkiisa, wuxuuna yiri:
“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro Manchester City, oo markale cadeeysay inay tahay kooxda ugu fiican England oo heysata shax kooxeed fiican, oo uu la socdo tababare Pep Guardiola, kaasoo loo arko inuu yahay kan ugu fiican adduunka.”
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka hoos ciyaaro Guardiola, waxna ka barto isaga iyo shaqaalihiisa tababarka, oo aan ka mid noqdo kooxdan cajiibka ah.”
“Manchester City waa koox heer caalami ah, oo leh shaqaale iyo xarumooyin heerkii ugu sarreeyay gaarsiisan, ku biiristeeda waa riyo rumowday.”
“Hadda ma sugi karo inaan bilaabo shaqada oo aan isku dayo inaan caawiyo kooxda inay horay u socoto oo ay guulo badan gaarto.”
Warbixino dhowr ah ayaa sheegay in heshiiska Kalvin Phillips ee L Leeds United ugu biiray Manchester City uu gaarayo 42 million pounds, marka lagu daro gunnooyinka.