RASMI: Maamulka La Liga oo xaqiijiyey tiradda bedellada la ogolaan doono xilli ciyaareedkan 2020-21

0
236

(Madrid) 08 Sebt 2020. Maamulka horyaalka La Liga ayaa xaqiijiyey in ogolaadeen in la isticmaalo shan bedel kal ciyaareedkan cusub ee 2020-21.

Xiriirka kubadda cagta Spain ee Spanish Football Federation (RFEF) iyo Maamulka Horyaalka LaLiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo LNFP ayaa waxa ay dajiyeen shaciyo la xiriira saameynta Korona Fayras xilli ciyaareedkan cusub.

Waxaana ay ogolaadeen in kooxuhu ay isticmaali karaan shan bedel horyaalka La Liga inta lagu guda jiro kal ciyaareedkan cusub ee 2020-21, kaasoo bilaaban doona 12 ama 13 bishan September.

Labada hay’adoodba waxay soo direen isla warsaxaafadeed ay ku shaaciyeen in tallaabooyinkan loogu talagalay in lagu soo bandhigo ilaalin wax looga beddelayo xeerarka tartanka, waxaana ay ogolaadeen in shan bedel la isticmaalo horyaalka fasal ciyaareedkan cusub.

Gool FM.