Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Premier League ayaa go’aamiyay in dib loo dhigo kulammadii Isbuuca toddobaad ee horyaalka oo lagu waday in uu furmo berri oo Sabti ah, si loogu baroor diiqayo geerida boqoradii UK ee Queen Elizabeth II.
War-saxaafadeedka Maamulka horyaalka Premier League ayaa lagu yiri: “Kulankii qabsoomay subaxnimadan, kooxaha Premier League waxay xushmad u muujiyeen boqorada UK ee Queen Elizabeth II, si ay u sharfaan nolosheeda gaarka ah iyo wax qabadkeeda wadanka.”
“Si loogu muujiyo ixtiraam kulammada Premier League ee Isbuucan dib ayaa loo dhigi doonaa.”
Madaxa fulinta ee Premier League Richard Masters ayaa sheegay: “Anaga iyo kooxaha waxaan jeclaan lahayn inaan xusno adeeggii dheeraa oo ay Boqoraddu u soo adeegtay waddankeenna, maadaama ay ahayd boqoraddeennii ugu muddada dheerayd, waxay ahayd dhiirigelin waxayna ka tagtay dhaxal cajiib ah.”
Waxa kale oo la baajiyey kulamadii horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee EFL ee dhici lahaa usbuucan iyadoo horena loo xaqiijiyey in ciyaarihii caawa ee Burnley iyo Norwich City ee Championship ay baaqdeen oo xalayba lagu war-geliyey naadiyadan in ay guryahooda joogaan oo aanay isku diyaarin kulankoodan.
Sidoo kale waxaa la baajiyay kulamadii Woqooyiga Ireland sida uu shaaciyey xiriirka kubadda cagta ee Northern Ireland.