
(Milano) 08 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa dhammaystirtay saxiixa ciyaaryahankii hore ee Manchester City, Aleksandar Kolarov.
Daafacii hore ee Kooxda Roma Aleksandar Kolarov ayaa si rasmi ah uga mid noqday naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga.
Aleksandar Kolarov ayaa ogollaaday heshiis hal sano ah oo uu qiyaar u haysto inuu sanad labaad ku kordhisto, wuxuuna mushahar ahaan u qaadan doonaa 3 milyan euro sanadkii.
Xiddiga reer Serbia ayaa Kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska u soo ciyaaray intii u dhexeysay 2010 illaa 2017.
34 sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu dhaliyey todobo gool, isagoo caawiye ka ahaa shan gool oo kale 42 kulan oo uu ciyaaray tartammada oo dhan.
Gool FM.