Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa uu soo gaadhay dalab rasmi ah oo uga yimid waddanka Sucuudiga oo uu muddo kooban gudaheed uu kaga xoogsan doono lacag ka badan intii uu mushaharka uga qaatay Real Madrid 15 sannadood oo uu u ciyaarayay.
Karim Benzema oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay bishan June ayaa la filayay in uu heshiis cusub u saxeexo Los Blancos oo uu sannad kale lasii joogo, hase yeeshee waxa qorshihii kooxdaas carqaladeeyey dalab weyn oo hiyi kiciyey laacibkan oo uga yimid koox aan magaceeda la shaacinin oo Sucuudiga ka dhisan.
Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in Benzema uu dalabku gaadhay oo uu hadda ka fiirsanayo, isla markaana uu laba sannadood gudahood ku heli doono mushahar gaadhaya 400 milyan oo Euro, taas oo ka dhigaysa ciyaartoyga ugu mushaharka badan dunida kubadda cagta oo uu kula sinmi doono Cristiano Ronaldo.
Benzema kama aanu hadal dalabkan, hase yeeshee Romano waxa uu sheegay, in Karim, xubnaha qoyskiisa iyo wakilkiisuba ay ka tashanayaan wixii ay yeeli lahaayeen, waxaanay u badan tahay in uu aqbali doono in uu tago Sucuudiga oo uu lacagtan shaqaysto maadaama Real Madrid ay kaliya heshiis sannad ah siinayso oo lacagtiisuna aad u yar tahay marka loo eego dalabka Sucuudiga.
Real Madrid ayaa wadnaha farta ku haysa oo ka walacsan waxa ay yeelayso, hase yeeshee Carlo Ancelotti ayaa ka dalbaday Florenino Perez in loo keeno weeraryahanka reer England ee Harry Kane haddii uu Benzema ka tago Real Madrid xagaagan.