RASMI: Jurgen Klopp Oo Shaaciyey Xiddigaha Uu Maanta Kala Hor Tegayo West Ham – Alexander-Arnold, Thiago Iyo Xiddigaha Kale Ee Ka Maqan

0
146

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Virgil van Dijk ayaa dib ugu soo noqday Liverpool kulanka adag ee Axadda maanta ee ay garoonka Anfield kusoo dhoweynayaan West Ham United, kaas oo ay u baahan yihiin in ay guul ka keenaan si ay usoo yareeyaan farqiga dhibcaha ay Man City ku hayso hoggaanka.

Jurgen Klopp oo soo saaray liiska ciyaartoydiisa ayaa waxa uu kusoo daray Van Dijk oo kasoo laabtay ganaax uu ku mutaystay casaan la siiyey ciyaartii Newcastle, kaas oo sababay inuu ka maqnaado kulamadii Wolves iyo Aston Villa.

Laakiin Reds waxa ka maqan difaacooda midig ee Trent Alexander-Arnold oo wali u jiifa dhaawac kasoo gaadhay ciayartii Aston Villa oo uu ku seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Wolves iyo LASK, halka sidoo kalena uu shaki weyn ku jiro fursaddiisa ciyaarta Arbacada.

Labada ciyaartoy ee Thiago Alcantara iyo Conor Brad;ley ayaan wali kasoo kabnin dhaawacyo waqtiyo dheer ahaa, waxaase la filayaa in Thiago uu kasoo horreyn doono laacibka da’da yar ee bishii July uu dhaawacu gaadhay.

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka West Ham oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian.

Difaacyahanno: Joe Gomez, Ibrahima Konate, Virgil van Dijk, Joel Matip, Andy Robertson, Kostas Tsimikas, Jarell Quansah.

Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Curtis Jones, Stefan Bajcetic, Wataru Endo, Ryan Gravenberch.

Weerarka: Mohamed Salah, Diogo Jota, Cody Gakpo, Luis Diaz, Darwin Nunez, Ben Doak.