RASMI: Isku-aadka Carabao Cup Oo La Sameeyey, Madax-xanuunka Sugaya Chelsea & Spurs + Sababta Liiska Looga Saaray Arsenal, Liverpool, Man United Iyo Man City

0
96

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isku-aadka wareegga labaad ee tartanka Carabao Cup ayaa xalay la sameeyey, waxaana imtixaanno marayya kooxaha Chelsea, Tottenham iyo Fulham, halka aan liiskaba lagu soo darin kooxda difaacanaysa koobka ee Manchester United.

Waxa kale oo liiska kooxaha ku dagaallamaya tartanka Carabao Cup aan ku jirin Liverpool, Arsenal iyo Manchester City, sababtoo ah sharcigta ayaa dhigaya in wareegga labaad ay kaliya kasoo qayb-gelayaan 12 kooxood oo horyaalka Premier League ah, halka siddeeddii ugu sarraysay horyaalka xilli-ciyaareedkii hore ay wareegga saddexaad soo geli doonaan.

Chelsea ayaa waxay la ciyaari doontaa kooxda ay ku dhibaatoodaan naadiyada waaweyn ee AFC Wimbledon oo ay u dheelaan ciyaartooyo jidh ahaan xooggan, halka kooxaha reer London ee Tottenham iyo Fulham ay foodda isla geli doonaan oo midkood uu wareeggan kaga hadhi doono tartanka Carabao Cup.

Everton ayaa sidoo kale safar ugu tegi doonta Concaster Rovers isla waqtiga ay Brentford u tegayso kooxda heerka afraad ee Newport, iyadoo Crystal Palace ay waajihi doonto Plymouth Argyle iyo Bournemouth oo safar ugu tegi doonta Swansea City.

Wareegga labaad ee tartanka Carabao Cup, waxa lagu kala bixi doonaa min hal ciyaar oo kaliya, waxaanay kooxahani kala bixi doonaan August 28.

Halkan kaga bogo isku-aadka wareegga labaad ee Carabao Cup:

KOOXAHA WOQOOYIGA

Tranmere Rovers vs Leicester City

Salford City vs Leeds United

Harrogate vs Blackburn Rovers

Stoke City vs Rotherham

Wrexham vs Bradford

Doncaster Rovers vs Everton

Bolton vs Middlesbrough

Port Vale vs Crewe

Nottingham Forest vs Burnley

Sheffield Wednesday vs Mansfield

Wolves vs Blackpool

Sheffield United vs Lincoln

KOOXAHA KOONFURTA

Bristol City vs QPR or Norwich City

Plymouth Argyle vs Crystal Palace

Reading vs Ipswich Town

Portsmouth vs Peterborough United

Luton Town vs Gillingham

Swansea City vs Bournemouth

Fulham vs Tottenham

Exeter City vs Stevenage

Wycombe Wanderers vs Sutton United

Birmingham City vs Cardiff City

Newport vs Brentford

Chelsea vs AFC Wimbledon

The second-round ties will be played in the week commencing August 28.