David Alaba ayaa si rasmi ah u saxiixay qandaraasyada, iyadoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez.
Alaba ayaa wuxuu sawirro xusuus ah kula galay maaliyadiisa cusub ee Real Madrid madaxweynaha kooxda ee Florentino Pérez, isaga oo xiran doono lambarka 4-aad uu lahaa Sergio Ramos, kabtankii hore ee Los Blancos, kaasoo dhawaan ku biiray naadiga Paris Saint-Germain.
Lambarkan oo muddo dheer uu soo xirnaa kabtankii hore ee Kooxda, Sergio Ramos ayaa muddooyinkaanna ay xiddigaha Los Blancos ay ku dhiiran waayeen inay qaataan, laakiin hadda Alaba ayaa xiran doona lambarka 4-aad ee Real Madrid oo loo gacan geliyey.
Waxaa xusid mudan in David Alaba uu xagaagan beeca xurta ah ugu biiray Real Madrid, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay Bayern Munich, maadaama uu dhacay qandaraaskiisa kooxda Bavarian-ka.
Si kastaba ha ahaatee, David Alaba ayaa 10 jeer horyaalka Bundesliga kula guuleystay Bayern Munich, isaga oo ah ciyaaryahanka ugu guulaha badan taariikhda kooxda, wuxuuna rikoorkan kala siman yahay xiddiga reer Germany ee Thomas Muller.