RASMI: Chelsea oo ku dhawaaqday inay dhammeystirtay heshiiska Raheem Sterling

0
199

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtay xiddiga reer England iyo kooxda Manchester City ee Raheem Sterling.

Wararka qaar ayaa sheegaya in heshiiska Raheem Sterling ee kooxda Chelsea uu gaarayo illaa 2027, iyadoo ay suurtagal tahay inuu xilli ciyaareed kale u kordhiyo.

Raheem Sterling ayaa kaddib markii uu ku biiray kooxda Chelsea wuxuu la hadlay website-ka rasmiga ah ee Chelsea, wuxuuna yiri:

“Marka hore, waa farxad inaan halkaan joogo.”

“Sida iska cad wax badan ayaan ku guulaystay xirfadayda ilaa haatan, laakiin wali waxa jira wax badan oo ii dhiman waxana aan rajaynayaa in aan ku sameeyo maaliyada Chelsea ee hoos yimaada Tuchel.”

“London waa gurigeyga, halkaas ayay wax walba iiga bilowdeen, waa wax cajiib ah hadda inaan fursad u helo inaan ku hor ciyaaro asxaabta iyo qoyskayga garoonka Stamford Bridge, runtii waxaan rajeynayaa inaan dhawaan la kulmo taageerayaasha.”

“Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan u mahadceliyo maamulayaasha Chelsea iyo cid kasta oo ku lug leh u dhaqaaqistayda halkan.”

“Ma sugi karo inaan bilaabo safarkeyga kooxda Chelsea, iyo inaan sii wato hadalkayga, laakiin gudaha garoonka.”