Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Chelsea, ayaa si rasmi ah u shaacisay manta oo jimcaha ah, inuu ka tagayo xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark Andreas Christensen, kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa dhamaadka bishaan.
Maamulka kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa war rasmi ah ay ka soo saareen bixitaanka Andreas Christensen, waxay ku sheegeen:
“Chelsea waxay uga mahadcelinaysaa Andreas gacantii uu ka geystay guulaheena 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna u rajaynaysaa wanaag oo dhan mustaqbalkiisa ciyaareed.”
Daafaca reer Denmark ayaa 10 sano la joogay Blues, waxaana uu ka qeyb galay 161 kulan oo kooxda London ah, tartamada oo dhan.
Christensen ayaa kaliya labo xilli ciyaareed amaah ku qaatay 10-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo u soo ciyaaray Borussia Moenchengladbach 2015 ilaa 2017.
26-sano jirkaan ayaa kula guuleystay kooxda ka dhisan London koobabka FA Cup, UEFA Europa League, UEFA Super Cup, Club World Cup iyo UEFA Champions League.
Andreas Christensen ayaa Chelsea kala qeyb galay 34 kulan xilli ciyaareedkii dhawaan la soo gabagabeeyay, tartamada oo dhan, wuxuu dhaliyay 2 gool, wuxuuna caawiyay 1 gool.