RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Xiddigii LIXAAD Ee Ka Dhaawacmay Intii Lagu Maqnaa Kulamada Caalamiga Ah

0
158

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay, in uu ka dhaawacmay ciyaartoygii lixaad intii lagu maqnaa kulamada caalamiga ah, iyadoo maalin ka horna la shaaciyey in qalliin lagu samayn doono difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo.

War-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona ayaa waxa lagu sheegay in tababarkii maanta uu dhaawac kasoo gaadhay difaaca midig ee reer Spain ee Hector Bellerin oo wax ka noqday muruqa ah, isla markaana baadhitaano lagu samayn doono Arbacada si loo ogaado inta uu le’egyahay dhaawaciiisu amaba loogu sameeyo daaweynta uu u baahan yahay.

27 jirkan oo Barcelona ay si xor ah ugala soo wareegtay Arsenal xagaagii, ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda aan looga yeedhin xulalkooda ee kulamada caalamiga ah ee labada toddobaad, waxaana uu ku sugnaa Camp Nou oo uu tababarka  ku qaadanayay.

Xavi Hernandez ayuu dhaawaca Bellerin dhibaato weyn ku noqonayaa maadaama ay Jules Kounde iyo Ronald Araujo ka maqan yihiin ciyaarta Real Mallorca ee Sabtida, taas oo sidoo kalena la sheegay in aanu taam u ahayn Sergi Roberto oo la dhibaatoonaya dhaawacyo ragaadiyey.

War-saxaafadeedka ay Barcelona soo saartay laguma sheegin in uu dhaawaca Hector Bellerin culus yahay iyo in kale, waxaase la filayaa in kaddib baadhitaannada Arbacada ay kooxdu muddayn doonto xilliga uu soo laaban doono.

Intii lagu maqnaa kulamada caalamiga ah, waxa Barcelona ka dhaawacmay shan ciyaartoy oo kale sida Ronald Araujo, Jules Kounde, Frenkie de Jong, Ousmane Dembele iyo Memphis Depay, inkasta oo saddexda dambe uu dhaawacoodu fudud yahay.