Rashford Oo Daaha Ka Rogay Xiddiga Barcelona Ee Sida Weyn Uga Yaabiyay Intii Uu Ku Sugnaa Kooxda

0
71

Rashford ayaa u saxiixay kooxda Blaugrana heshiis amaah ah oo uu ku joogayo hal xilli ciyaareed, kadib markii loo sheegay in uusan mustaqbal ku lahayn Manchester United.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Barcelona ayaa haysata ikhtiyaar ay ku iibsaneyso Rashford, waxaana uu Rashford durba ku raaxaysanayaa nolosha cusub ee uu ka helay Camp Nou isagoo isku diyaarinaya kulankiisa rasmiga ah ee ugu horreeya dhamaadka toddobaadkan.

Kooxda Barca waxaa ay ka buuxa dhalinyaro tayo leh sida Lamine Yamal, Gavi, Pau Cubarsí, Fermín López, Alejandro Balde iyo Marc Casadó.

Rashford ayaa durba si layaab leh uga warbixiyay dhalinyaradaas tamarta badan iyo biseylka ay garoonka ku muujiyaan, isagoo ammaanay qaabka gaarka ah ee Barcelona u ciyaarto.Wuxuu si gaar ah u shaaciyay inuu aad ula dhacay qaab ciyaareedka Pedri — kaas oo durba ciyaaray in ka badan 200 kulan.

“Runtii waa wax cusub oo farxad leh in aad la ciyaarto iyaga,” ayuu Rashford ku sheegay wareysi uu siiyay Gary Lineker iyo Micah Richards intii lagu guda jiray qayb gaar ah oo ka mid ah barnaamijka The Rest is Football.

“Maalin kasta waxay muujiyaan tamar, taas oo kaa dhigaysa in adiguna aad tamar iska raadiso. Dhammaantood waa ciyaartoy aad u hibo badan, laakiin waxa iga yaabiyay waa in garoonka ay aad ugu bisil yihiin. Waxay ciyaarta ku maamulaan xawaaraha ay iyagu rabaan.Pedri oo mucjisada iga yaabisay intii aan joogay halkaan.ma maleysan kartid da’diisa iyo khibraddiisa.

“Waa habka ay u koraan. England waxa lagu soo barbaariyaa in mar kasta la muujiyo xirfadahaaga, balse marka aad weynaatid, waxaad baranaysaa in xirfaddaada ay u baahan tahay waqti iyo goob lagu isticmaalo. Tusaale ahaan, haddii aad ku fiican tahay laadadka ama goysmada, waxaa jira waqti iyo meel lagu sameeyo, halka England lagu baro in mar kasta goysmo la sameeyo.

“Hadda eeg Pedri, waxaan u malaynayaa inuu yahay 22 ama 23 jir. Aad buu u da’yar yahay, laakiin durba waxa uu leeyahay waayo-aragnimo badan isagoo ka ciyaaray mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka, isla markaana ka qeyb galay kulamada ugu waa weyn.”