Raphinha Oo Kusoo Laabanaya Waqti Lama Filaan Ah – Hansi Flick Oo Go’aan Adag Qaatay!

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska reer Spain ee Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay heshay war farxad leh oo ku saabsan xaaladda dhaawaca garabka reer Brazil Raphinha, kaas oo wali kasoo kabanaya dhaawac muruqa bowdada ah, kaas oo soo gaaray ciyaartii dhawaan ee ay la yeesheen Oviedo.

Wargeysku wuxuu sheegay in Raphinha uu khamiistii maray baaritaan MRI ah si loo qiimeeyo heerka uu marayo soo kabashadiisa, natiijooyinkiisuna waxay ahaayeen kuwo dhiirrigelin leh — taasoo siinaysa fursad weyn oo uu ugu soo laabto ciyaarta El Clasico ee Real Madrid 26-ka Oktoobar.

Mundo Deportivo ayaa xaqiijisay in muddadii hore loogu talagalay inuu maqnaado ay ahayd saddex toddobaad, taas oo ku eg Jimcaha, balse ma uusan tababarka kooxdiisa dib ugu soo laaban, taasoo ka dhigan inuusan diyaar u noqon doonin kulanka Girona ee Sabtida ee horyaalka La Liga.

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in ay jirto suuragalnimo uu Raphinha ku soo gali karo liiska ciyaartoyda ee kulanka Olympiacos ee Champions League Talaadada soo socota, balse Hansi Flick iyo shaqaalaha caafimaadka ayaanan doonaynin inay ku degdegaan soo celintiisa.

Ujeedkoodu waa in la hubiyo inuu si buuxda u bogsado kahor El Clasico, waxaana la filayaa haddii xaaladdu u ogolaato inuu kusoo billowdo kursiga kaydka kulankaas weyn.