Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Barcelona ee Raphinha ayaa sii Wada wacdarihii uu ka dhigayay champions League isaga oo mar kale gool dhaliyay gool kulankii kooxdiisu ka badisay Benfica.
Kadib goolkaas waxa uu dhaliyay 11 gool tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.
Kaliya 5 xiddig oo reer Brazil ah ayaa dhaliyay 10 gool tartanka champions league taariikhda Raphinha ayaana haatan dhaafay rikoodhkaas.
Halka. Kaga bogo xiddigaha reer Brazil ee dhaliyay goolasha ugu badan.
Raphinha – 11 in 2024-25
Kaká – 10 in 2006-07
Rivaldo – 10 in 1999-00
Jardel – 10 in 1999-00
Roberto Firmino – 10 in 2017-18
Neymar – 10 in 2014-15