Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka ay Manchester United sida weyn u doonayso ee Ramsus Hojlund ayaa magacaabay difaacii ugu adkaa ee uu ka hor tegay intii uu ku jiray kubadda cagta, waana laacib hore oo Manchester United ay si fudud iskaga dirtay kaddib sannado amaah uu ku maqnaa.
Tababare Erik ten Hag oo dibu-dhiska Manchester United soo bilaabay xilli ciyaareedkii hore, ayaa waxa uu raadinayaa weeraryahan No.9 ah oo tayadisu sarrayso oo uu kusoo kordhiyo safkiisa, waxaana hore loola xidhiidhinayay Harry Kane iyo Victor Osimhem oo ay kooxahooda Tottenham iyo Napoli cirka ku shareereen qiimeyaashooda.
Manchester United ayaa waxay ku doonaysaa Rasmus Hojlund lacag gaadhaysa £50 milyan oo Gini, balse Atalanata ayaa dalbanaysa lacag intaas ka badan, madaama ay da’yarkan u aragto in uu yahay hanti qaali ah oo gacantooda ku jirta.
Rasmus Hojlund oo la hadlayay wargeyska Tuttosport ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, ayaa waxa la weydiiyey difaacii ugu adkaa ee uu abid uu ka hor tegay ee uu dhibaatada ugu badan kala kulmay, waxaana uu ku jawaabay: “Waa Chris Smalling-ka Roma, isaga ayaa dhibaatadii ugu badnayd kala kulmay. Waa difaac caqli badan, feejigan, orod badan, jid ahaanna xooggan.
“Waxa aan isku dayay in aan kaga guuleysto kubbado aanu ku loollanay aniga oo isticmaalaya xoog, laakiin waan awoodi waayey. Wali waxa aan raadinayaa sidii aan uga adkaan lahaa.”