
Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Zinedine Zidane iyo kooxdu ay kala tageen oo ay labo waddo kala raaceen.
Haddaba Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos oo ka hadlay bixitaanka tababare Zinedine Zidane ayaa wuxuu yiri:
“Zinedine Zidane waa mid kaliya, waxaan kuu rajeynayaa guul walba waad u qalantaa, ku raaxeyso nolosha adiga iyo qoyskaaga.”
Sergio Ramos ayaa laga yaabaa inuu noqdo midka ku xiga Zidane ee ka tagaya Real Madrid maalmaha soo socda maadaama qandaraaska uu kula joogo Los Blancos uu dhacayo xagaagan, sababa la xiriira uusan wax heshiis ah la gaarin maamulka kooxda ilaa iyo haatan si loo cusbooneysiiyo.
Si kastaba ha ahaatee, kursiga uu baneeyay Zidane ayaa isaga kaddib lala xiriirinayaa Antonio Conte iyo Raul Gonzalez, maadaama ay wararku sheegayaan in macalinka reer Talyaani ee Allegri uu heshiis la gaaray kooxda Juventus.