Rai’sal wasaarihii hore ee ingiriiska oo dhaliishay qoxootiga la geynayo dalka Rwanda

0
144

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’isal wasaarihii hore ee Ingiriiska, Theresa May, ayaa dhaleecaysay qorshaha xukuumadda ee ah in ay qaar ka mid ah dadka magan gelyo doonka ah u dirto Rwanda.Teresa May ayaa u sheegtay baarlamanka in aanay taageersanayn siyaasaddaas sababtuna tahay shaki ay ka qabto in waafaqsantahay “sharciyadda, maangalnimada iyo sax ahaanta ba”.

Sido kale,wasiirka arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa sheegtay in qorshahaasi noqon doono “mid caqabad ku noqda kuwa dadka tahriibiya” sidoo kalena uu joojin doono dadka ku dhimanaya marinada halista ah ee ay Ingiriiska u maraan.Siyaasaddan waxa iyaguna dhaliilay hay’adaha gargarka iyo xisbiyada mucaaradka ah.

May oo sidoo kale mar noqotay wasiirka arimaha gudaha Ingiriiska intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2016 oo waaxda socdaalkuna hoos timaad ayaa su’aal gelisay qorshahan oo sheegtay in uu keeni karo in ay korodho tahriibinta dumarka iyo ciyaalku madaama oo wararka qaarkood tibaaxeen in ragga soolanaha ah ee sharci darrada ku galay Ingiriiska oo keliya loo dirayo Rwanda.

Raysal wasaare Boris Johnson ayaa hore u sheegay in qorshuhu uu “badbaadin doono dad aan tiro lahayn” isla markaana uu wax u dhimi doono habka ay u shaqeeyaan dadka wax tahriibiya, balse dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa qorshahan ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadantinimada.

Ciidanka Badda ee Boqortooyada ayaa la wareegay taliska hawlgelinta Kanaalka Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee Ingiriiska, iyaga oo isku dayaya in ay ogaadaan doon kasta oo ku socota UK. Sannadkii hore, 28,526 qof ayaa ka tallaabay kanaalka Ingiriiska oo galay Britain, marka la barbar dhigo 8,404 oo qof sanadkii 2020

Si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd sannadkii la soo dhaafay oo kaliya markii dawladda UK ay walaac ka muujisay Qaramada Midoobay “xakamaynta joogtada ah ee Rwanda ee xuquuqda madaniga ah iyo kuwa siyaasadeedba.