Ra’iisulwasaarha Jarmalka oo sheegay bixinta Donbas ay la mid tahay dhiibista Florida ee Maraykanka.

0
72

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoogaamiyaha Jarmalka Frederik Merz ayaa hadal qoraal ah ku sheegay cidda bixineysa damaanad qaad amnio o Ukraine ah.

“Su’aasha ah cidda ka qaybqaadanaysa dammaanad-qaadka ammaanka ee Ukraine …. su’aal kama taagna in dhammaan waddamada Yurub ay ka qaybgalaan,” ayuu yiri Merzi.

Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay xeeladaha nabadda ee Moscow.

“Ruushka oo doonaya in Ukraine ay ka tanaasusho gobolka Donbas ee la haysto, waxa ay la mid tahay in Maraykanku dhiibo Florida,” ayuu yiri.

Marco Rubio ayaa sheegay in ay dhici karto in labada dhinac ay isaga gudbaan xadka.

Waxa uu sheegay in ay adkaan doonto in la soo afjaro dagaalka balse ay lagama maarmaan tahay in go’aan laga gaaro. Trump ayaa horay u sheegay in Crimea aan dib loogu celin doonin Ukraine.