Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay tahay mid xooggan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in saaxiibtinimadan loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in kor u qaadistii dhawaan lagu sameeyay xiriirka labada dal ee la gaarsiiyey heer Iskaashi Istiraatiiji ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah labada shacab, isla markaana loo baahan yahay in loo rogo faa’iido dhab ah.