Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in xoogga la saaray horumarinta sharuucda Garsoorka.

0
28

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan dowlad wanaag laga shaqeyn karin oo musuqmaasuq la ciribtiri karin, haddii aan la helin hannaan garsoor oo lagu wada kalsoon yahay.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayay xiritaanka Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka, ayaa xusay in Xukuumaddu ay xoogga saartay sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka dalka, si dib loogu soo celiyo kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay casriyeynta garsoorka dalka oo kaalin wanaagsan ka qaadanaya hufnaanta caddaaladda.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay ilaalinayso madax-bannaanida garsoorka, isla markaana ay la garab taaggan tahay wax walba oo ay u baahan yihiin, isaga oo kula dardaarmay in la tayeeyo shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee ay ku shaqeeyaan garsoorka dalka, meeshana laga saaro wax walba oo aan la jaanqaaddi karin dastuurka iyo shareecada Islaamka.