Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta lagu wado in uu Garoowe kula kulmo Madaxda Puntland

0
178

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hoggaaminayo ,ayaa maanta la filayaa in magaalada Garowe ay kulan kula yeeshaan Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee maamulkaasi.

Kulamada maanta ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yhiin xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dardargalinta howlaha la xiriira nidaamka doorasho ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha  oo ay la socdeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda federaalka ah,waxa ay shalay ay gaareen magaalada Garowe,halkaasi oo loogu sameeyay xaflad soo dhoweyn ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane  Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa socdaalkaan oo kale horey ugu tagay magaalada Beydhabo oo xarun u ah maamulka Koofur Galbeed, waana safarkii labaad ee dalka gudihiisa uu ku bixiyo tan iyo markii xilkan loo magacaabay bilo ka hor.