Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XFS Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo intooda badan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamareeb kulammo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.
Goor sii horreeysay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu la kulmay Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed & Guddiga Amniga doorashooyinka Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo kala hadlay dardar gelinta doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammada kasii wadi doona Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo intaasi kadib u gudbi doona Magaalada Gaalkacyo oo kamid ah Goobaha lagu qabanaayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.