Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Galmudug.

0
170

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maanta ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble in uu tago Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Maamulka Galmudug.

Shalay waxaa Dhuusamareeb gaaray wafdi horudhac ah oo ay kamid yihiin qaar kamid ah ilaalada Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo sugi doono Ammaankiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqan doona Xarunta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka, isaga oo sidoo kale la kulmi doona Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Booqashadaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegi doono Dowlad Goboleedyada, taas oo uu kula soconayo arrimaha doorashooyinka.