Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tegay wadada aada garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo laga dhurayo biyaha xiray ee ka dhashay roobabkii maalmahan ka da’ayay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waribixin ku saabsan qaabka ay u socoto howsha nadiifinta jidka ay biyuhu jareen ka dhageystay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka ee howlaha guud.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in ay dardar galiyaan howlaha nadiifinta wadddooyinka muhiimka ah ee xirmay roobabka da’aya, waxa uuna ku baaqay in la caawiyo dadka ku waxyeelloobay roobabkan, gaar ahaan dadka nugul iyo barakacayaasha.
“Waxaan mar kale ku baaqayaa in loo gurmado dadka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.