Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo dalka Gambia kulan kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee dalka Gambia kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Mudane Hakan Fidan, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee dalka Gambia uga qeybgalaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.