Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

0
56

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Mudane Atul Khare, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhowaynta Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, una rajeeyay in Soomaaliya ay gacan ka geysan karto nabadda iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan caalamka.