Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, ee ku nool Magaalada muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta doorka ay ku haweenku ku leeyihiin dowladnimada, nabadda, dib-u-heshiisiinta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.
Kulankan ayaa qeyb waxa uu ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, si tallooyin kooda loogu kaabo dhismaha dowladnimada.
Waxaana Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre uu ku ammaanay, haweenka Soomaaliyeed, sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Dhankooda Haweenka uu maanta kulanka la qaatay Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahad-celiyey waqtiga uu la qaatay iyo aragtidooda ku aadan Nuuca dowladnimo oo ay rabaan Shacabka Soomaaliyeed,iyagoona uga mahadceliyay talada uu ka siiyay dhismaha Xukumad loo dhan yahay.