Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaadatay wasiirka arrimaha dibadda Japan.

0
185

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee horumarinta Afrika Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed, isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya oo weli ka sugan dalka Tunisia ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo duceedyo kale in uu la qaato Madaxda kale ee ka qeyb galeysa Shirka horumarinta Afrika.