Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagey Beerta Daarusalaam taas oo ganacasato soomaliyeed ay ku sameystay maalgelin ganacasi maadama uu amniga ay wax iska bedeley.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo maalgelinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas darteedna ay xukuumaddiisu dadaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiiri-gelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa faah-faahinaya