Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda Dan Qaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, dib-u-dhiska qeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa