Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya.

0
95

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya magaalada Muqdisho, Mudane Alberto Vecchi, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay taageerada dowladda Talyaaniga, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.
Danjiraha ayaa dhankiisa balan-qaaday sii xoojinta xiriirka labada waddan, gaar ahaan mashaariicda ay ku taageeraan Soomaaliya.