Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu wadaa Maanta in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo inay gaaraan magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Shalay waxaa magaalada Jowhar dib ugu laabtay madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay la socdeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladaha fartahaadaha ee kajira halkaas iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka weli kajira doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar.
Ammanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Ra’iisul Wasaaraha lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle sidoo kale uu booqdo Goobaha uu ka fatahay Wabiga ee Magaalada Jowhar.