Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Faransiiska loo magacaabay Gabriel Attal oo 34 sano jir ah.
Ninkan oo ah wasiirka waxbarashada ee Faransiiska ayaa noqonaya mas’uulkii ugu da’da yaraa ee loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha wadankaasi.
Tani ayaa qayb ka ah tallaabooyinka uu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku wanaajinaya waxqabadka maamulkiisa sidoo kalena ku xoojinaya saameyntiisa siyaasadeed.
Attal ayaa tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii hore hayay xilka wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo arrimaha dhallinyarada.