Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa xilkiisa loo dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Singapore ,Lawrence Wong wuxuuna muddo 20 sano ah ka dib beddelay Lee Hsien Loong.
Wong oo horay u soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa lagu caleema saaray xarunta madaxtooyada ee Istana ee Singapore.
Mas’uulkan oo 51 sano jir ah ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu xukuumadda u hoggaamin doono si geesinnimo iyo hor u socod leh.
Waxaa uu ballan qaaday inuu ballaarin doono hab-fikirkiisa hoggaamineed.
Sidoo kale waxaa la dhaariyay xubnaha golihiisa wasiirrada oo uu ka mid yahay mas’uulkii uu beddelay ee uu u magacaabay wasiir sare oo la-taliye u ah.
Dhanka kale , xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Singapore.
Waxaa uu sheegay in Maraykanka uu daneynaya la shaqeynta Lawrence Wong si loo xoojiyo xiriirka labada dal .