Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Ra’iisul Wasaaraha Dalka Armenia Nikol Pashinyan ayaa iska diiday in uu xilka ka dago kadib markii dad badan ay ka caroodeen heshiis uu dhawaan lagalay dowladda Azerbaijan.
Ujeedka heshiiska ayaa ahaa sidii loo joojin lahaa colaada ay dadka badani ku dhinteen ee ka taagan gobolka Nagorno-Karabakh iyadoona hogaamiyaha Armenia uu sheegay in heshiis ay qaateen uu ahaa mid xanuun badan.
Cadaadis ka yimid asxaabta mucaaradka kaddib ayaa waxaa la filayaa in baarlamaanka Armenia uu kulan gaar ah ka yeelan doono mustaqbalka siyaasadeed ee Nikol Pashinyan.
Heshiiska uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ayaa waxa uu dhigayaa in Azerbaijan ay haysato deegaannada ay qabsatay.
Boqollaal ciidammada Ruushka ee nabad ilaalinta ayaa la geeyay aagga lagu muransan yahay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa Arbacadii sheegay inuu heshiis la saxiixday Ruushka kaas oo uu qeyb kaga noqonayo “ciidammada wadajirka ah ee nabad ilaalinta” si ay heshiiska u dhowraan.