Ra’iisal Wasaare Xamse oo dhiirageliyay Horumarka ganacsi ee ka jira Muqdisho.

0
82

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyey maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameynayaan dalkooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre  ayaa sheegay in kobaca ganacsiga caasimadda  Muqdisho uu aas-aas u yahay xasilloonida amni ee ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, taas oo ku dhiirri-gelinaysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay aaminaan maalgashiga dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay ganacsatada ganacsiyada  Kaalinta ay ka qaadayaan Horumarka iyo kobaca  dhaqaalaha dalka .