Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tegay xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo hormuud u ah taabbagelinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanta si loo hormariyo adeegyada dadweynaha xukuumadda u hayso, loona dhaqangeliyo maamul-wanaagga iyo hufnaanta oo mudnaan gaar ah u leh xukuumadda DanQaran.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Hantidhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo uga warbixiya dib-u-habeynta sharciyadda, istiraatiijiyadda, iyo qorshayaasha Xafiiska, iyo horumarinta hannaanka baarista si uu u la jaanqaado nidaamyada caalamiga ah ee hantidhawrista.
Qorshaha Isbeddelka Qaran ayaa ahmiyad siinaya dib-u-habeynta laamaha dawladda si adeegyada dadweynuhu helaan u noqdaan kuwo ka tarjumaya himilada dadka Soomaaliyeed.