Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 100 qof ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii qaar ka mid ah mudaaharaadyadii ay soo qabanqaabiyeen xagjiriinta garabka midig ay qas iyo qalqal geliyeen Magaalooyinka UK.
Rabshadaha ayaa ka dhacay Magaalooyin ay ka mid yihiin Hull, Liverpool, Bristol, Manchester, Stoke-on-Trent, Blackpool iyo Belfast, iyagoo dhagxaan tuurayey, dukaamana bililiqaystay iyadoo booliiskana lagu weeraray meelaha qaar.
Magaalada Liverpool, ilaa 1,000 mudaaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda soo galootiga, qaarkoodna ku qeylinayay erayo aflagaada oo Islaam naceyb ah, ayaa waxay isku dhaceen mudaaaharad kale oo iyaga looga soo horjeedo, booliiska ayaa ku dadaalayey inay kala fogeeyaan.
Xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper ayaa sheegtay in qof kasta oo ku lug leh ” khalkhal dambiyeed iyo rabshada tuuganimo wata” ay ” qiime ku bixin doonaan ” maadaama bulshadu ay tahay inay “dareemaan mmaan”
Ra’iisul Wasaare Sir Keir Starmer ayaa ballan qaaday in ciidamada booliska uu siin doono “taageera buuxda” si ay tallaabo uga qaadaan “xagjiriinta” isku dayaya in ay “naceybka abuuraan”