Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyaha cusub ee Nepal ayaa wacad ku martay Axada maanta ah in ay raacayso dalabaadka mudaaharaadayaasha si loo soo afjaro musuqmaasuqa iyada oo bilawday shaqada raa’iisul wasaare ku meel gaarka ah, ka dib markii dhallinyarada Gen Z ay mudaharaadyo xilka ka tuureen ninkii ka horeeyay.
Sushila Karki, oo 73 sano jir ah oo hore u ahayd guddoomiyaha maxkamadda sare ee Nepal, ayaa loo xilsaaray inay soo celiso nidaamka iyo inay wax ka qabato dalabaadka mudaaharaadayaasha ee ku aaddan mustaqbalka musuqmaasuq la’aan ka hor doorashooyinka lix bilood ka dib.