R/wasaare Xamza oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

0
245

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi  Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabadd Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamzee Cabdi  Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan isa siiyaan oo ay u kaalmeeyaan dadkooda tabaaleysan.

“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda  gudanaaya waajibaadka xajka” ayuu yiri Raiisul Wasaare Xamse.

Waxaan ugu baaqaya ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag.