Qudaar la’aan baahsan oo ka jirta Suuqyada Degmada Dhoobley.

0
141

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo Qeybo badan oo kamid ah Gobolada Dalkeena Soomaaliya iyo sido kale Dalka aan dariska nahay ee Kenya uu si Weyn uga da’ay Roobka Deyrta islamarkaana ay gabi ahaan xidhmeen Wadooyinka soo gala Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa taasi keentay In Suuqyada Magaalada laga dareemo Khudaar yaraan baahasan taasi oo saameyn ku yeelatay Guud ahaan Bulshada Degmada.

Khudaar yaraanta ka jirta Degmada ayaa sido kale sababtay in qiimo aad u sareeyo lagu iibiyo hadiiba la helo Qeybo kamid ah Khudaarta sida Basasha oo kale.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya